FeaturedSomali News

Deg deg; Axmad Madoobe, oo Kismaanyo uduulay iyo waxa laga filan karo shirkii berri.

 

Madaxweynaha dawlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii maanta u ambabaxay magaalada Kismaanyo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Jubbaland, kadib qarax ay dadku dhinteen oo ka dhacay magaaladaasi.

 

 

Bixitaanka galabta ee madaxweyne Madoobe, ayaa timi kadib markii qarax uu fuliyay qof is-miidaamiyay, ay ku dhinteen guddoomiyihii rugta ganacsiga ee Jubbaland iyo Midkamida ilaaladiisa gaarka ah isla markaasna ay ku dhaawacmeen dad shacab ahi.

 

Saaladdii Jimcaha kadib, waxaa magaalada kismaanyo ka dhacay qarax lala beegsaday guddoomiyihii rugta ganacsiga Jubbaland isla markaana ahaa guddoomiye ku xigeenkii guud ee Rugta ganacsiga Soomaaliyeed Shaafi Raabi Kaahin. Waxan qaraxaasi ku nafwaayay guddoomiyaha oo cisbital loola cararay  markii dhaawac halis ahi soo gaaray.

Tegitaanka Axmad Madoobe, ayaa imanaysa xilli maalinta berri ah lagu ballansanyahay in Muqdisho uu ka furmo shirka u dhexeeya madaxda maamul goboleedyada, gobolka Banaadir iyo dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, lamana hubo in Axmad Madoobe uu ka qayb geli karo furitaanka shirka.

Back to top button