FeaturedSomali News

Deg deg : Diyaarad ku burburtay Aadan cadde Airport.

Diyaarad laga leeyahay dalka Kenya, ayaa subaxnimadii hore ee saaka ku burburtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde.

Diyaaradda oo sidday xamuul, ayaa dhacday kadib markii ay ku soo degi  rabtay garoonka.

Wararka uu wadani.com ka helayo garoonka diyaaradaha, ayaa sheegaya in la badbaadiyay laba duuliye oo diyaaradda waday, isla markaana laga rogay xammuulkii ay waddey.

Majirto wax khasaare nafeed ah oo uu sababay shilka diyaaraddu.

Waa diyaaraddii labaad ee laga leeyahay Kenya ee sannadkan gudihiisa ku burburta gudaha Soomaaliya, waxaana ka horraysay diyaarad gargaar sidda  oo dhawaan ku gubatay garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne.

Back to top button