FeaturedSomali News

Deg Deg : Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho

 

Qof lagu soo rakibay walxaha qarxa oo lasheegay in ay haweenay ahayd, ayaa isku qarxisay waddada Black Sea ee degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

 

Qaraxa waxaa lala beegsaday ciidammo katirsan hay’adda nabad sugidda ee NISA, waxaana jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac baahsan.

 

 

Ciidammo katirsan kuwa dawladda, ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, mana jiraan xog rasmiya oo xaqiijinaya inta uu leegyahay khasaaraha kadhashay qaraxaasi.

 

Back to top button