FeaturedSomali News

Deg deg : Xasan Cali Khayre oo ku dhawaaqay musharaxnimadiisa madaxweyne | Akhri Xogtan.

 

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa goor dhaway shaaciyay in uu yahay musharax madaxweyne doorshada Soomaaliya ee 2020-2021.

War- qoraal ah oo uu soo saaray Xasan Cali Khayre, ayuu ku yiri.

“Walaalayaal, waxaan shaki ku jirin in labaatankii sano ee la soo dhaafay ay dawlanimadeennu hore u socotay, tallaabadeeduba ha gaabnaatee. Muddo xileedkii 5aad ee geeddi socodkaas, ummadda Soomaliyeed waxaan ugu soo adeegay mas’uuliyad Ra’iisul Wasaare. Xilkaas oo waxna lagu soo qabtay, Alle mahadii waxna laga soo bartay”

 

“Hadda oo la sugayo hannaan loogu gudbo muddo xileed cusub ee dowladda Somaliyeed, waxaan fikir iyo talo wadaag dheer kaddib halkan idinkula wadaagayaa musharaxnimadayda jagada Madaxwaynaha JFS. Anigoo si dhab ah u fahamsan fursadaha iyo caqabadaha la xiriira hoggaaminta iyo waxqabadka dalkeennu u baahan yahay maanta iyo mustaqbalkaba, waxaan markale isu soo qaddimayaa in aan dadkayga ugu adeego si ay ku dheehan tahay karti, hufnaan iyo daacadnimo”

 

Xasan Cali Khayre, ayaa wax qabad weyn muuqjiyay muddadii uu xilka hayay, waxaana la tilmaamay in uu yahay siyaasi haysta taageerada shacabka Soomaaliyeed.

Back to top button