Breaking NewsSomali News

Degdeg: Dhaqaatiirtii Cuba oo la siidaayay

Warar ay baahiyeen madaxda dalka Cuba ayaa lagu sheegay in la siidaayay laba dhaqtar oo ay heysteen al shabab.

Wasiirka arrimaha dibadda Cuba ayaa sheegay in labada dhaqtar ay xorriyaddooda dib u heleen.

Ilo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in lacag dhan $1.5milyan lagu siidaayay.

Wargeyska Cibercuba ayaa saaka baahiyay in dullaalliin iyo odayaal dhaqan ay ka shaqeynayaan siideyntooda taas oo maanta suurtagashay.

Labada dhaqtar ayaalaga afduubtay Mandheera April 2018kii.

Back to top button