Somali News

DF oo Al- shababnimo ku sifeysay Jeneraal Xuud

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan Gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay dagaal saaka ka dhacay Magaalada Baladweyne oo ay qaadeen Malleeshiyo taabacsan Jeneraalka diiddan Hirshabelle ee Xuud.

Abaanduulaha qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Saalax Cayquub Cali oo shir jaraa’id ku qabtay Baladweyne ayaa Jeneraal Xuud ku sifeeyay in uu la mid yahay Al-shabaab.

Jen. Saalax ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay ku maqanyihiin howlgal lagu soo xirayo Xuud oo uu ku eedeeyay in uu saaka dad rayid ah baabi’iyay Guryahooda markii uu qoriga sabanka ku garaacay sida uu sheegay.

Abaanduulaha oo wariyayaasha shir jaraa’id ugu qabtay Baladweyne ayaa sheegay in marka gacanta lagu soo dhigo Xuud loo gudbinayo Maxkamadda Ciidamada qalabka sida si ay waajibkiisa u mariso.

Back to top button