Somali News

DF oo beenisay in la siidaayay Dhaqaatiirtii u dhalatay Cuba

Dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday in la sii daayay laba dhaqtar oo u dhashay Cuba Laguna heysto gudaha Soomaaliya.

Laba Dhaqtar ayey dowladda Cuba sheegtay in la sii daayay dowladda Soomaaliyana kaalin ka qaadatay.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in wadahadalka uu wali socdo oo aan la siideyn labada dhaqtar.

Labada Nin ayaa la afduubtay April 2019kii waxaana laga qafaashay duleedka mandheera.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya in al shabab ay Ku doonayaan lacag dhan $1.5Milyan oo nadaxfurasho ah.

Dad badan ayaa is weydiinaya sababta labada dowladood ugj kala aragti duwanyihiin xaaladda dhaqaatiirtaas.

Back to top button