Somali News

DF oo cambaareysay Maamulka Puntland

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa cambaareysay Doqlad Goboleedk Puntland kaddub markii Ciidamada Puntland ay rasaas noolnool la dhaceen banaanbaxayaal diidanaa Maamulka sidoo kalena taageerayay Dowladda Soomaaliya.

War ka soo baxay Dowladda Federaalka ah ayaa lagu yiri.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xun tahay falkii foosha xumaa ee maanta ka dhacay magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag oo ay ciidamada Amniga Puntland si ula kac ah xoog iyo xabad ugu adeegsadeen bulshada ku dhaqan magaaladaas oo samaynayay banaanbax nabadeed.
Fal kasta oo waxyeello loogu geysanayo shacab aan hub wadan waa mid aan la aqbali karin.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqaysaa in la ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida, shacabkana la dhawro.
– Dhamaad-

Back to top button