Somali News

DF oo cambaareysay qaraxyo ka dhacay Ciraaq

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhambaal tacsi ah u dirtay Waddanka Ciraaq kaddib qaraxyo ka dhacay dalkaasi.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa cambaadeysay weerarrada ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay bartamaha Magaalada Baqdaad ee caasimadda Waddanka Ciraaq.

Qaraxyo ismiidaamin ah ayaa dilay ugu yaraan 28 qof laguna dhaacay ugu yaraan 73 qof ruux,ayaa ka dhacay waddo ganacsi oo mashquul badan kuna taalla bartamaha magaalada Baqdaad maalintii khamiista, sida ay Milatariga dalkaasi.

General Hazem al-Azzawi, oo ah agaasimaha Taliska Howlgallada Baqdaad, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Ciraaq (INA) in “laba qarax” lagu dhuftay suuq ay dad badani ku sugnaayeen oo ku yaal aagga Bab al-Sharji oo u dhow Fagaaraha Tayaran.

Back to top button