Somali News

DF oo Ciidan Kumaandoos ah geysay Xadka Kenya.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ciidamo dheeraad ah geysay sohdinta Kenya iyo Soomaaliya.

Ciidamo Cusub Guutada 17aad Ee Kumandooska Gorgor Soomalaiya ayaa Ka Soo Degay Garoonka Diyaaradaha Degmada Dolow Soomaaliya

Ciidamadan Ayaa Ku Wajahan Sida La Sheegay, Xadka  Kenya Iyo Somaliya Gaar Ahaan Baladxaawo Ilaa Ceelwaaq.

Waxaana Garoonka Diyaaradaha Ku Soo Dhaweeyey Qaar Ka Mid Ah saraakiisha Ciidamada Gorgor Iyo Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Qaranka Degmada Dolow Cabdulaahi Cumar Cilmi.

Dhinaca kale Dowladda Kenya ayaa la sheegay in iyaduna ay Ciidan badan geysay sohdinta waxaana soo baxaya walaac la xiriira isku dhaca labada Ciidan.

Back to top button