Somali News

DF oo daahfurtay Qorshaha Qaran ee xalka waara

Dowlada Soomaaliya ayaa daah-furtay Istaraajiyada Qaran ee Xalka –waara taa oo wax looga qabanayo arimaha Barakacayaasha shanta sano ee soo socota.

Munaasabada Daah-furka oo ahayd mid fogaan araga “Zoom” ayaa lagu soo bandhigay Istiraatiijiyadda Qaranka ee Xalka Waara (NDSS).

Istiraatiijiyadaan ayaa ahmiyad weyn siinaysa sidii wax looga qaban lahaa barakaca daba-dheeraaday iyo sidii Xal-waara loogu heli lahaa dadka barakacu saameeyay ee ay ka mid yihiin barakacayaasha gudaha iyo qaxootiga soo guryo noqday.

Kulankan ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, qaar ka mid ah Wasiirada Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya, kooxda Farsadamada Wasaaraddaha Dowlada Federaalka, Dowlad gobaleedyada, Maamulka Gobalka Banaadir, Beesha Caalamka, Bulshad Rayidka iyo Ganacstada.

Wasiirka Wasaarada Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaaalaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa ka warbixiyay qorshaha Xal-waara ee afarta sano ee soo socota lagu meeleynayo barakacayaasha.

“ Guul weyn ayey u tahay umadda Soomaaliyeed iyo dowladdooda sababtoo ah siyaasadda Xalka-waara horaa loo sameeyay, tana waa istiraatiijiyaddii lagu fulin lahaa siyaasaddaas. Waddanka waxaa jooga hay’addo ciiddaa ka badan oo kuligood ka shaqeeya arimaha barakacayaasha iyo qoxootiga, inta badan waxa ay leeyihiin siyaasaddii barakacayaasha, laakiin istiraatiijiyaddii xal waaraloogu heli lahaa ayaa ka maqneyd, tiina waa tan, hadda wixii ka danbeeya waxaan ka rabnaa in ay raacaan istiraatiijiyaddaas” ayuu yiri Wasiir Jamaal.

Ku xigeenka Wakiilka QM ee Soomalaiya Adam Abdulmoula ayaa ku bogaadiyay Wasaaradda Qorsheynta diyaarinta Istaraajiyadan oo saameyn muuqato ku yeelan doonta xalinta mushkilada 2.6 millyan oo baracyaal ku ah gudaha Soomaaliya.

Istiraatiijiyaddan waxa ay diiradda saaraysaa sidii Xal-waara loogu heli lahaa afarta sano ee soo socoto Arrimaha Barakacyaasha iyo qaxootiga soo guryo noqanayo ayna helaan xuquuqda asaasiga ah ee Muwaadinka.

Back to top button