Somali News

DF oo dacwad ka dhan ah Kenya u gudbiday Midowga Afrika

dacwad

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah dowladda Kenya u gudbisay Ururka Midowga Afrika.

Warqad Ku taariiqeysan 1da October loona diray Midowga Africa ayaa lagu sheegay in Ciidamada Kenya ee Ku jira AMISOM ay dad rayid ah Ku dileen Gobolka Gedo ee Soomaaliya.

Cabdi Siciid Cali; oo ah lataliyaha amniga ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Ku wareejisay warqaddaas.

Warqadda ayaa lagu sheegay in Ciidamada AMISOM ee Ku jira Kenya ay Jebiyeen sharciga AMISOM, sidaas darteedna dowladda Soomaaliya ay dalbaneyso in lagala xisaabtamo.

21kii September ayey Ciidamada kenya 3 qof oo rayid ah Ku dileen Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Golaha Shacabka ayaa todobaadkii la soo dhaafay dalbaday in Ciidanka Kenya wax laga qabta.

Kenya ayaa October 2011dii si aan sharci ahayn Ku soo gashay Soomaaliya iyada oo 2012kiina ay Ku biirtay AMISOM.

Back to top button