Somali News

DF oo dib u habeyn ku sameyneysa Ciidanka Badda

Wasiirka Wasaaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa kormeer Shaqo ku Tagay Taliska Ciidanka Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya
Wasiir Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa Kormeer Shaqo Waxay ku tageen Xarunta Taliska Ciidanka Badda Waxaana ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Badda iyo Ilaalinta Xeebaha Soomaaliyeed Jeneraal Cabdixamiid Dirir , Cutubyo ka tirsan Ciidanka Badda ayayna Salaan ka qaateen ,
In kaas ka dib Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa goob fagaare ah kula hadlay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Badda isagoo Sheegay in DFS ay wado qorshe Xooggan oo lagu horumarinayo Ciidamada ,qeybna ay ka yihiin Difaaca Qaranimada iyo gobanimada dalka Ciidanka Badda ,
Dhan ka kale Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha Ciidanka Badda iyo ilaalada Xeebaha ayaa Waxay kormeereen shaqo maalmeedka Doomo dheereeya oo Ciidamada Badda ay ku howlagaan si cadowga looga Difaaca xeebaha iyo Kaluumeysiga Sharci darada ah.

Back to top button