Somali News

DF oo fasaxday Diyaaradaha Qaadka keena Muqdisho

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya 7bilood kaddib ogolaatay in diyaaradaha Qaadka sida ay ka soo degi karaan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Diyaaraddii ugu horreysay waxaa ay noqotay National Airways oo laga leeyahay Dallas Itoobiya.

National Airways oo sidda dhowr Tan oo Qaad ah ayaa shalay soo caga dhigatay Muqdisho iyada oo toos uga soo duushay Adisababa.

Diyaaradda National ayaa dalka keentay Qaadka Hareeriga loo yaqaan ee ka baxa Itoobiya.

Diyaaraddan oo ay leedahay Dowladda Itoobiya ayaa safarkeeda Soomaaliya billowday 15kii October 2018kii.

Dowladda Soomaaliya ayaa guud ahaan duullimaadyada  joojisay bishii March marka laga reebo kuwa gargaarka iyo Daawada.

Wali waxaa xayiraad saarantahay Qaadka Kenya iyo Diyaaradaha keeni jiray iyada oo xiriirka labada dal uu marayo halkii ugu hooseysay.

 

Back to top button