Somali News

DF oo Golaha Amaanka ku hor eedeysay Jubaland iyo Puntland

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hadal jeedinteeda Shirka Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey eedeyn ugu jeedisay maamullada Jubalabd iyo Puntlabd.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Max’ed Abdirisaak oo ka hadlayay Fadhiga golaha Amniga ee QM ayaa ku eedeeyey Madaxda Puntland iyo Jubbaland in ay caqabad ku yihiin qabsoomida doorashooyinka dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in Is afgaradkii u dambeeyey ee Baydhabo ilaa Heshiiskii 17-kii Sep ee Dhuusa-Mareeb ay caqabad cusub marba.

“Waa wax laga xumaado , Labada hogaamiye ee Puntland iyo Jubbaland ayaa wali caqabad joogta ah ku ah dhameystirka heshiiska, waxay markale diideen inay ka qeybgalaan kulanka iyagoo markale doortey inay madax-furasho Uheystaan rabitaanka shacabka” ayuu yiri.

Qaramada Midoobey ayaa ku boorriyay dhinacyada isku haya Siyaasadda Soomaaliya in ay u turaan Dadkooda.

Back to top button