Somali News

DF oo joojisay Banaanbaxii lagu dhawaaqay Jimcaha soo socda

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in la joojiyay banaanbax ay Mucaaradka shaaciyeen in ay qabanayaan Jimcaha soo socdo.

Shir Jaraa’id oo ay maanta wadajir u qabteen Wasiirrada Amniga iyo Warfaafinta ayaa waxaa ay ku sheegeen in ay baajiyeen banaanbaxaasi islamarkaana aan la aqbaleyn.

Waxaa uu sheegay in Banaanbax Dowlad lagu taageerayo iyo mid looga soo horjeedo uusan ka dhici karin Muqdisho oo uu sheegay in ay joogaan Madaxda dalka ee Muxaafad iyo Mucaarad intaba.

Wasiirka  Amniga Xundubey oo Wrabaahinta la hadlay ayaa sheegay in aan la aqbalayen banaanbax ay horboodayaan dad hubeysan oo qatar ku ah amniga Magaalada.

Back to top button