Somali News

DF oo ka hadashay Ciidanka Soomaalida ee la sheegay in ay ka dagaallameen Gobolka Tigreey

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ka hadashay warar lagu baahiyay baraha Bulshada iyo warbaahinta gudaha Soomaaliya.

Wararkaas ayaa sheegayay in Ciidamo ka socda Soomaaliya ay qeyb ka ahaayeen dagaalkii Gobolka Tigreey ee Dowladda Itoobiya iyo kooxda TPLF.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo wax laga weydiiyay arrintan, ayaa been abuur ku tilmaamay wararka ku saabsan in ay dowladda Soomaaliya ciidamo u dirtay dagaalka Itoobiya.

“Wax caqligal ma ahan, anaga ayaa u baahan ciidamadeenna in ay ka howgallaan dalkooda oo amniga sugaan, ma jirto sabab nagu kalifi karta in aan ciidamadeenu  u dirno Itoobiya’ ayuu yiri wasiirku.

Dhinaca kale, wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya, ayaa sheegay in ay ka welwelsan yihiin saameynta Soomaaliya uga imaan karta colaada Itoobiya.

Back to top button