Somali News

DF oo ka hadashay weerarro lagu qaaday Sucuudiga

Dowladda Federaalka Soomaaloya ayaa waxaa ay war ka soo saartay weerarro ay Xuutiyiinta Yemen ka geysteen Waddanka Yemen.

War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa u dhignaa.

War saxaafadeed (Faafin degdeg ah)

Muqdisho, Soomaaliya
20 Maarso, 2021

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa diyaarad aan duuliye lahayn oo miinaysan oo Maleeshiyaatka Xuutiyiinta ay ku ganeen maanta dhanka Magaalada Khamis Mushait iyo weerarka argagaxiso ee ay u adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee qaraxyada ay ku cabbeeyeen ee ay ku beegsadeen Warshadda Sifeynta Batroolka ee Magaalada Riyadh shalay oo Jimce ahayd.

Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa in ay ku garab taagantahay Boqortooyada aanu walaalaha nahay ee Sacuudi Carabiya dhammaan tallaabooyinka ay u qaadayso ilaalinta amnigeeda qaran iyo bedqabka dhulkeeda.

Back to top button