Somali News

DF oo kordhisay Ciidanka ilaalada Xeebaha Koofureed

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sare u qaaday Amaanka Xeebaha dalka gaar ahaana xeebaha Koofurta.

Arrintan ayaa looga dan leeyahay joojinta Qaadka Kenya ee dhinaca Badda ka soo gala

Kimathi Munchies, oo ah Urur ay leeyihiin Ganacsatada Qaadka Kenya ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay u qabatay saddex maalmood oo kama dambeys ah.

Waxa uu sheegay in ilaa 50 Doonyood oo Kuwa Ciidanka ah ay Dowladda Federaalka geysay Badda is ay u qabtaan Doomaha Qaadka Kenya wada.

Kimathi ayaa waxaa uu sheegay in tallaabadaasi tahay mid lagu naasnuujinayo Qaadka loo ogolaaday Itoobiya iyagana ay Ku weynayaan Suuqa kaliya ee ay heysteen.

 

Back to top button