Somali News

DF oo ku dhawaaqday Guddi ururiya dhaqaale lagula dagaallamo Covid19.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Drs Fawziya Abikar Nur ayaa maantay ka qayb gashay xaflad loogu dhawaaqayay Guddi loogu magacdaray Badbaadi Naf oo ka shaqeynaya sidii loo arruurin lahaa dhaqaalo lagula tacaalo cudurka Safmarka ah ee Covid-19.

Gudigga Waxaa sameeyay bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan sida Culimada, Ganacsatada, Bulshada rayidka Dhakhaatiirta, Ururada haweenka iyo bulshada inteeda kale waa gudi isku xilsaaray sidii ay dadka Soomaaliyeed uga qeyb qaadan la haayeen ayagoo isku duuban halganka iyo dadaalka loogu jiro ka hortaga iyo daaweynta xanuunka COVID-19, waxa uu gudigu qorsheeyay in isbitaallada Guud ee dalka ilaa heer gobol loo helo ” Centralized Oxygen ama Oxygen plant” Sidaa darteed waxaan bulshada Soomaaliyeed lagu boorinayaa inay ka wada qeyb qaataan tabarrucaadka oo qof walba dal iyo dibad kii joogo uu bixiyo waxa uu awoodo si uu uga qeyb qaato In uu Badbaadiyo Naf alla dartiis.

 

Back to top button