Somali News

DF oo lagu eedeeyay maqnaanshaha Madaxweynayaasha 3 Dowlad Goboleed

Ilo ka mid ah Beesha Caalamka ayaa cadaadis ku haya dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya oo lagu eedeynayo in ay iyada ka dambeyso maqnaanshaha madaxweynayaasha dhowr dowlad Goboleed.

Ilo wareedyo ku sugan Xalane ayaa sheegaya in Dowladda Soomaaliya ay ka dalbatay Madaxweynayaasha Galmudug,Hirshabelle iyo Koofur Galbeed aysan ka soo qeybgelin shirka u dhaxeeya dowladda Federaalka ah iyo Dolwad Goboleedyada dalka ka jira.

Wakiillada Beesha Caalamaka ayaa gadaal ka riixaya shirkaas oo ay ka soo qeybgaleen Madaxwenayaasha Puntland iyo Jubaland hase ahaatee ay wali ka maqanyihiin Madaxweynayaasha saddex dowlad Goboleed.

Arrintan ayaa ka dhalatay khilaafka u dhaxeeya labada dhinac gaar ahaanna Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland oo isku dhinac ah iyo Dowladda Federaalka ah.

Labada Maamul ayaa dhowr jeer diiday in ay ka qeybgalaan shir ay ugu baaqday dowlad Goboleedyada dalka waxaana ay shardi ka dhigeen in shirku ka dhaco Xalane sidoo kalena la helo cid damaanad qaadda amaankooda iyo wixii lagu heshiiyo fulintooda.

Dowladda Federaalka oo arrinkaas ka xun ayaa go’aamisay sida la sheegayo in saddexda dowlad goboleed ee kala ah Galmudug,Koofur Galbeed iyo Hirshabelle aysan imaan Xamar.

Back to top button