Somali News

DF oo markii ugu horreysay ka hadashay go’aanka ay Kenya ku xireyso Dhadhaab iyo Kaakuma

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay go’aankii dhawaan ay Kenya ku shaacisay in ay xireyso Xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma.

Wasiirka Wasaarrada Warfaafintan Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in go’aanka Kenya mid siyaasadeed  isaga oo yiri” Kenya waxey isku qaldeysaa Arrimaha Siyaasadda iyo Banni’aadannimada”

Wuxuu sheegay Wasiir Dubbe in Qaxootiga Soomaaliyeed ay sharci ku joogaan dalkaas, Islamarkaana Kenya ay  ku hesho Malaayiin Dollar oo ay uga qaadato hay’addaha caalamiga ah ee Qarramada Midoobey.

Wasiirka ayaa intaa ku darray in aan la soo celin karin muwaadin Soomaaliyeed oo wali qaba walwalka markii horeba uu uga carrayay dalkiisa, balse qofka iskii u laabanaya uu isagu leeyahay doorashada go’aanka uu qaadanayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa arintan la xiriirisay kiiska Badda waxaana uu yiri Wasiir Dubbe” “Xaqiiqda waxaa ay tahay in Kenya arrimo siyaasadeed darteed ay dooneyso in ay ku xirto xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma markii looga adkaaday Arrimaha siyaasadda sida Badda iyo Arrimaha Jabhadaha ayuu yiri” Wasiir Dubbe.

Back to top button