Somali News

DF oo ogolaatay cabashada Jeneraal Xuud

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa aqbashay cabashada Jeneraal Xuud oo malleeshiyo hubeysan ku heysta duleedka Baladweyne.

Odayaasha dhaqanka ee Beesha Jeneraalka ayaa kula kulmay deegaanka Ceelgaal waxaana farriin cabashada ah oo uu Odayaasha u soo dhiibay ay ku wareejiyeen Wasiirka arrimaha gudaha ee Federaalka Mukhtaar Xuseen Afrax.

Wasiir Mukhtaar oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baladweyne ayaa sheegay in tabashada dadka Baladweyne ay dowladda Federaalka ah xallineyso.

Waxaa uu ugu baaqay in uu Miiska wadahadalka jeneraalka islamarkaana tabashadiisu ay Dowladda xallineyso.

Wasiirka arrimaha gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa waxaa uu sidoo kale ku baaqay in la ilaaliyo nabadgelayada isaga oo intaas ku daray in xitaa qof ka qof loo xallinayo cabashada dadka Beledweyne.

 

Back to top button