Somali News

DF oo saraakiil Al shabab ahaa Ku dishay Sh.hoose

Cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay Tuulooyin Hoostaga Bariire ku dilay labo hoggaamiye iyo Ciidan ka tirsan Al shabab.

Ciidammadan ayaa ka ruqaansaday deegaanka Bariire ee Gobalka Shabeelaha Hoose, iyagoo xooraan ku helay in Tuulooyinka Balow iyo Nuunaay ay soo galeen Al-Shabaab kuwaasi oo kasoo baxay degaanka Basro.

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan ururka 143 aad oo ka jawaabayay cabashada dadka deegaanka ayaa gaaray halkaasi, waxayna weerar aan waqti badan qaadan ku dileen labo hoggaamiye Al-shabab ah iyo ku dhawaad 10 dagaalame.

Taliyaha ururka 143 ee Ciidanka Xoogga dalka Dhamme Axmed Xasan Siyaad oo la hadlay Idaacada Ciidamada ayaa sheegay in Howlgalka lagu dilay Abaandulihii Howgalinta Al-Shabaab iyo Madaxii zakawaadka ee gobolka

Sidoo kale ciidamada ayaa la kulmay qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan tuulooyinka laga saaray Al shabab.

Back to top button