Somali News

DF oo sheegtay in 2.5Milyan oo qof ay gargaar u baahanyihiin

Dowladda Federaalka ah e Soomaaliya ayaa sheegtay indalka ay ka jirot baar saameysay 2.5Milyan Soomaali ah oo ku nool guud ahaan dalka.

Wasiirrada Maaliyadda iyo Gargaarka oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in abaarta ay ka dhalatay Ayax baabi’iyay dalagyadii Beeraleyda sidoo kalena Covid19 uu qeyb ka qaatay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/Raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in Dolwadda ay billaabeyso gargaar gaarsiinta dadka ugu nugul isaga oo sidoo kale baaq u diray waddamada taageera Soomaaliya.

Bayle ayaa xusay in qeyla dhaan hore uu u diray laga soo jawaabay islamarkaana ay qeybinayaan waxa ilaa hadda soo gaaray si loo caawiyo dadka ugu nugul.

Sidoo kale Wasiirka Gargaarka Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa waxaa ay sheegtay in dalka uu ku jiro xaalad adag islamarkaana wasaaraddeeda ay Dowladda Federaalka ah la wadaageyso xaaladda dadka Soomaaliyeed ee danyarta ah.

Back to top button