Somali News

DF oo sheegtay in madaxii Qaraxyada Al shabaab ku dishay Sh.hoose

Dowladda Federaalka ah e Soomaaliya ayaa sheegtay in sarkaal sare oo ka tirsan Al shabaab kaas oo ku sugnaa Gobolka Shabeellaha hoose.

Howlgal ay Ciidamada Dowladda ka sameeyeen Gobolka Shabeellaha hoose ayey ku sheegteen saraakiisha dowladda dilka madaxii qaraxyada Al shabaab ee shabeellaha hoose.

Sarkaalka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Ismaaciil Jiis ayaa ahaa madaxii u qaabilsanaa qaraxyada Al-shabaab gobolka Shabeellaha Hoose.

Iska horimaad ka dhacay deegaan lagu magacaabo Buula-Xaaji ayaa la sheegay in lagu dilay sarkaalkan iyo 10 kale oo ilaaladiisa aheyd oo la soctay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo la xiriira sheegashada saraakiisha dowladda ee ah in la khaarajiyay sarkaalkoodii ugu sarreeyay dhinaca qaraxyada ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo dagaalyahanno la socday.

Back to top button