Somali News

DF oo war ka soo saartay banaanbaxa Mucaaradka

Xukuumadda Soomaaliya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in Mucaaradka ay qabsan karaan banaanbaxa sidii lagu heshiiyay hayeeshee waxaa ay amartay ilaalinta habraacayada xakameynta Covid19.

Xukumadda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in mucaaradku banaanbaxoooda ku qabsan donan fagaaraha Daljirka Dahsoon iyada la tixgelinaysa heshiisyadii la wada gaaray

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya iyada oo tixgelinaysa geeddi socodka dimuqraadiyada, qabsoomidda doorashooyinka qaranka iyo ilaalinta heshiisyadii mucaaradka waxa ay u ogolaatay mucaaradka codsigoodii ahaa in mudaharaadka ay ku qabsadaan fagaaraha Daljirka Dahsoon.

Bilowgii, Xukuumaddu waxay u soo jeedisay mucaaradka in ay mudaharaadkooda ku qabsadaan Eng Yariisow Stadiyoom si loo xaqiijin karo habraacyada xakamaynta COVID-19 ee waajibka ah, laakiin markii mucaaradku ku adkaysteen fagaaraha Daljirka Dahsoon xukuumaddu iyada oo tixgelinaysa heshiisyadii la wada gaaray waxay ogolaatay dalabkii mucaaradka.

Ugu dambayn Xukuumaddu waxay fartay qaban qaabiyayaasha mudaharaadku in ay dibad baxayaasha ku adkeeyaan soo qaadashada afxirka iyo kala fogaanshaha.

Back to top button