Somali NewsWarbixin

Dhagaxyadii Jidadka Muqdisho miyaa la qaaday?

Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa xalay oo dhan isla dhexmarayay in la qaaday dhagxaantii ku jarnaa xaafadaha magaalada

Haddaba sidee wax uga jiraan arrintaas?.
Dad badan oo reer Muqdisho ah ayaa saaka ku soo toosay iyada oo guryahooda hortooday la soo dhigay dhagxaanta halka kuwo kalena waaga u baryay iyaga oo dhagxaantii hortaalay laga qaaday.
Inta badan dhagaxyada oo laga aaday jid caddayaasha ku dhow laamiyada ayaa la geeyay jid cadde kale oo laba jid uun ka dambeeya kii hore.
Sidoo kale isu socodka magaalada ayaa inta badan xiran.
Dowladda Soomaaliya ayaa inta badan dhagxaan ku jartay jidadka xaagadaha Muqdisho kaddib qaraxii Soobe ee dhacay 14kii October 2017 kaas oo galaaftay nolosha boqolaal qof.
Kaddib xiridda jidadka magaalada waxaa ciriir noqday isu socodka Magaalada waxaana sare u kacay heerka nolosha iyo guud ahaan qiimaha badeeco ama adeeg walba.
Inkasta oo amaanka magaalada ka soo reynayay dhinaca weerarrada qaraxyada iyo kuwa tooska ah ayaa ka yaraaday Magaalada.
Reer Muqdisho ayaa la qabsaday jidadka xiran waxaana ay qeyb ka noqdeen nolosha maalin laha ah.

Back to top button