Somali News

Dhagaxyadii Ku jarnaa jidadka Muqdisho oo inta badan la qaaday

Inta badan Waxaa xalay  jidadka muhiim ka ah ee magaalada Muqdisho laga qaaday dhagaxaanta ay horey dowladdu ay u dhigtay bartamaha magaalada.

Isgosyada kala qaaday baraha konroolada iyo dhagaxaanta waxaa kamid ah: sanca siinay Seybiyano ,Tarbuunka , Sh Cali suufi iyo meelo kale ,sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka warar aan ka helnay iyo qaarkamid ah bulshada isticmaashay xalay Wadooyinka kadib loo furay.

Muddo ku dhow 3sano shacabka magaalada Muqdisho ayaa ka cabanayay xirnaanshaha wadooyinkaas waxaana shacabka iyo gaadiidka ay ku qabeen dhibaatooyin xoogan,iyadoona mar kala duwan dowladda ka codasaday in ay jidadka u furto

Dowladda kama hadlin wali wadooyinka la furay xalay laakin warar qaar ayaa sheegay in la xiray wadooyin kale oo la sheegay in xaaladdu amni loo xiray halka kuwa la furayna tahay qorshaha in shacabka laga qafiifiyay culeyska ay ku qabeen jidadkaas la xirnaa.

 

Back to top button