FeaturedSomali News

DHAGEYSO: Dacwadda Badda ee Somalia iyo Kenya oo weji cusub galeysa & Somalia oo dhameystiray

Dowladda Soomaaliya ayaa gudbisay Jawaabtii  laga sugaayay ee  Dacwadda xuduud Badeedka Somalia iyo Kenya.

Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay gudbisay dhammaan jawaabihii laga rabay, iyadoo Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda ICJ ay  aqbashay inay qaado Dacwadda Muranka Badda Soomaaliya iyo Kenya.

Wuxuu intaas ku daray inuu hadda uu bilowday weji cusub oo ah in dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay dhinac walba kiiska doodeeda u keento caddeymo, mar haddii laga gudbay doodii Kenya ee ahayd inaysan maxkadda ICJ qaadi karin dacwadda.

Soomaaliya waxay ku eedeysay Kenya in marar badan ay ka baaqsatay inay ka qeyb gasho wadahadallo labo geesood ah oo looga xaajoon lahaa xallinta muranka labada dal.

DHAGEYSO

Tags
Close
Close