Somali News

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo lagu dhawaacay Koofur Afrika

Weerar loo adeegsaday Mindiyo (Tooreey) oo ka dhacay Magaalada Bredasdorp oo qiyaastii (184,7 km) u jirta Magaalada Cape Town ee Dalkani Koonfur Afrika, ayaa lagu dhaawacay Xasan Cumar Jaliil, halka jirdil xoog leh loo gaystay Dhallinyaradii kale ee la joogtay Dukaanka.

Inkastoo Dhaawaca Tooreyda ee gaaray Xasan Jaliil uu aad u cusleyn, ayaa hadana waxaa u dheer jirdilka iyo biinsooyinka ay Tuugada u adeegsadeen Soomaalida, xilli ay urusanayeen Lacagihii iyo wixii gacantooda gaartay ee Dukaanka yiilay, sida uu ii xaqiijiyey Abdulla Jaliil oo ay Walaalo yihiin Muwaadinka la dhaawacay, islamarkaanta tagay goobta.

Booliska oo helay Muuqaal ay duubtay Kaamirada, oo si toos ah looga dhex aqoonsan karo Burcadda sida idiin muuqata, ayaa hadda wada baaritaano xooggan.

Bredasdorp, oo ah Magaalo-xeebeed ay Saldhig aad u weyn ku leeyihiin Ciidamada Cirka ee ugu badan ee South Africa, ayaa aheyd meel aad u Nabadoon oo aan falalka caynkan oo kale ah laga aqoon, waxaase laga xog~sugayaa hawlgalka raad-joogga ah ee Booliska.

 

Back to top button