FeaturedSomali News
DHUUSA-MAREEB : Nin muruq-maal ah oo tooray lagu dhaawacay iyo Police-ka oo ka hadlay.

Taliska Ciidanka Booliska Magaalada Dhuusa-mareeb ayaa ka war bixiyay haawac habeenkii xalay ahaa loogaystay nin shacab ah oo muruq-maal ah kana shaqaysta gudaha magaalada.
Taliyaha Booliska Dhuusamareeb Nuur Cilmi Maxamed ayaa sheegay in nin ku hubeysan tooreey uu fal dhaawac ah u geystay nin muruq-maal ah oo lagu magacaabo Maxamed Saciid Xaashi, kadib markii muran la xiriira lacag uu soo kala dhex-galay.
Taliye Nuur Cilmi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in markii hore uu baxsaday ninka dhaawaca gaystay, hase yeeshee ciidanka amniga howlgal ay sameeyeen lagu soo qabtay.