Somali News

Dibadbax rabshado wata oo ka socda Muqdisho

Wararka laga helayo Degmada Yaaqshiid ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo banaanbax rabshado wata.

Banabaxa ayaa waxaa dhigaya Gaadiidleyda ku shaqeeya Caasiga ama Hoomeyga.

Waxaa ay xireen waddada warshadaha oo ay dhagaxtuur ka wadaan.

Qaar ka mid ah Gaadiidleydaas ayaa sheegaya in ay ka cabanayaan waddada warshadaha oo ay dowladdu dhagxaan Ku goysay.

Talaadadii ayey Dowladda Federaalka ah Ku dhawaaqday in ay furtay jidadkii xirnaa hayeeshee waxa ay dhagxaantii Ku xirtay jidka warshadaha.

Waddada warshadaha oo markii hore qeyb ka xirneyd ayaa la dhameystiray mana jiraan Gaadiid ka soo gudbaya oo soo galaya gudaha Magaalada.

Back to top button