Somali News

Dibadbaxyo rabshado wata oo ka dhacay Gobolka Liibaan

Dibad Bax ka dhan ah Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Mustafa Cagjar ayaa ka socda Deegaanka SUUFTA Ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Boqolaal ka mid ah shacabka deegaanka oo ka careysan go’aamo ay ku sheegeen dhul ballaarsi uu hormuud u yahay madaxweyne Mustaf Cagjar ayaa ka socda deegaankaas.

Saaka oo jimcaha ayay banaan baxayaasha ku dhawaaqayaan erayo ka dhan ah ku simaha madaxweynaha DDS oo ay ku eedeeyeen in qorshe halis ku ah deegaankooda uu maleegayay mudo bilaayin ah ,balse isku day uu ku doonayo dadkii daganaa deegaanka in uu ku barakiciyo uu bilaabay isagoo adeegsanaya Ciidamada Dowlad dergaanka .

Arintan ayaa u muuqata mid jahwareer siyaasadeed iyo dagaal sokeeye deegaanka ka abuuri karta ,hadii aan lagu dhaqaaqin talaabooyin kale oo lagu hor istaagayo in dhiig uu ku daado deegaanka.

Back to top button