Somali News

Diblomaasiyiitii Soomaaliya ee Nairobi oo maanta soo guuray

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa saaka ka soio amba baxay Diblomaasiyiinta Soomaaliya ee ka howlgalayay safaaradda Soomaaliya ee Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa shan maalmood kaliya u qabatay diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku shaqeynayay safaaradda Nairobi kaddib markii uu go’ay xiriirka labada dal.

Inkasta oo ifafaalo heshiis labada dhinac ah uu muuqdo haddana go’aanka ayaa sidiisa u fulay waxaana ilo ku sugan Nairobi u xaqiijiyeen wadani.com in Diblomaasiyiinta safaaradda Soomaaliya ee Kenya saaka lagu arkay JKIA.

Arrintan ayaa waxaa ay culeys weyn ku tahay dadka Soomaalida ah ee ku nool Kenya inkasta oo go’aankan dowladda Federaalku salka ku hayo faragelin ay ku eedeysay Dowladda Kenya in ay ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya.

Back to top button