Somali News

Digniin loo diray Shacabka Gobolka Gedo

Taliska Booliska Gobolka ayaa waxaa ay digniin u direen Shacabka Ku nool gobolkaasi.

Taliyaha Booliska Baardheere ayaa waxaa uu Shacabka Magaalada Baardheere uga digay in ay garsoor u raadsadaan dhulka Al shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay tallaabo ka qaadayaan dadka ka tagaya degaannada ay dowladda maamusho una garsoor tagaya Al shabab.

Qofkii garsoor u raadsada deegaanada ay ka taliyaan Al shabab ayuu sheegay in uu iyaga ka tisanyahay.

Waxaa uu Ku dooday in Shacabka degaankaas qaarkood ay qalad ka fahamsanyihiin dowladda.

Dadka Gobble Gedo ayaacaddaalad u raadsada goobaha ay ka taliyaan Al shabab taas oo ay hadda ka digayaan saraakiisha Booliska Gobolkaas.

Back to top button