Somali News

Digniin: Roob iyo daadad ku soo fool leh Soomaaliya

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan isku duba ridka arrimaha gargaarka ee UNOCH ayaa digniin ka soo saartay khasaare ka dhalan kara Roobka Deyrta ee meelaha qaar ka curtay.

Xafiiska OCHA ee Soomaaliya ayaa sheegay in curashada xilliga deyrta laga dareemay meelaha qaar oo roobab xoog leh ay ku hooreen .

Meelaha roobabka lixaadka leh ay ku hooreen ayey ku sheegtay gobolada Sool, sanaag, Nugaal, Mudug ,Galgaduud ,Hiiraan iyo Bakool. OCHA, waxay tilmaantay in roobabku ay sii kordhin karaan xaaladaha fatahaadaha iyo barakaca ka jira qeybo badan oo Soomaaliya ka mid ah.

Saameynta ugu badan ayaa waxaa ay roobabku ku yeelan doonaan sida OCHA ay sheegtay dadka ku nool meelaha ay fatahaaduhu ka jiraan gaar ahaan dhulka ku teedsan wabiyada Jubba iyo Shabeelle.

OCHA ayaa ugu baaqday maamulada deegaanadaasi iyo heyadaha la shaqeeya in ay qorsheeyaan talaabooyin looga jabaabo waxyeelada dhici karta.

Back to top button