Somali News

Diyaarad ay leeyihiin Milatariga Kenya oo burburtay

Taliska Ciidanka Difaaca Kenya ee KDF ayaa sheegay inay burburtay Diyaarad uu lahaa Ciidanka Cirka taas oo ku burburtay hawada Magaalada Voi ee Gobolka Taita Taveta. Diyaaradda ayaa ka timid saldhigga Moi Air Base, Eastleigh ee Nairobi.

Diyaaradaan ayaa nuuceedu ahaa Harbin Y-12 taas oo uu lahaa Ciidanka cirka kenya.

War ka soo baxay Taliska KDF ayaa lagu sheegay in kooxaha gurmadka loo diray goobta ay diyaaradda ku burburtay kuna howlanyihiin badbaadinta dadkii saarnaa oo aysan faahfaahin ka bixib.

Back to top button