Somali News

Diyaaradaha Caalamiga ah oo maanta baajiyay duullimaadyadii Muqdisho

Diyaaradaha laga leeyahay dibadda ee duullimaadka ku iman jiray Magaalada Muqdisho ayaa maanta joojiyay dhamaan duullimaadyadooda kaddib shaqaaqadii shalay k dhacday Magaalada Muqdisho.

Sharikadaha Diyaaradaha kala ah Turshi Airlines,Ethiopian Airlines iyo Uganda Airlines ayaa dhamaan joojiyay maanta duullimaadyo ay ku iman lahaayeen Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Waxaa ay Rukunkooda u direen wargelin la xiriirta inaysan  tageyn Magaalada Muqdisho maanta oo Sabti ah 20ka February kaddib isku dhacyo hubeysan oo ka dhacay Muqdisho darteed.

Intii shalay ay socotay shaqaaqada ayaa madfac ku dhacay qeyb ka mid ah gaaroonka Aadan Cadde waxaana uu sababay dab qabsaday goobo Ganacsi oo ku yaalla gudaha Garoonka.

Back to top button