FeaturedSomali News

Diyaaradaha Kenya oo dumqeymo ka fuliyay deegaanno katirsan gobolka Gedo.

Wararka ka imanaya degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo, ayaa sheegaya in diyaaradaha ee dalka  Kenya ay duqaymo ka fuliyeen tuulooyink hoosyimaadda degmada Ceelwaaq halkaas oo ay waxyeellooyin gaarsiiyeen  dad xoola dhaqato Soomaaliyeed oo ku nool deegaannadaasi.

 

 

Deegaannada la duqeeyay ayaa waxaa kamid ah Cows-qurun, Dhamase , Likooley , Garsaal iyo Xisaguur. Waxaana wararku sheegayaan  iney jiraan xoolo Geel u badan oo ay diyaaraduhu ku laayeen deegaanadaas miyiga ah.

 

Sida ay ku warrameen dad ku sugan deegaannada la duqeeyay oo la hadlay Idaacadaha maxalliga ee Muqdisho , hadda xaaladda ayaa deggan, majiraan xogo rasmiya oo xaqiijinaya heerka uu gaarsiisanyahay  khasaaraha ka shashay fuqeymahaasi.

 


Dhinaca kale, wararka laga helayo degmada Ceel-waaq ayaa sheegaya in saraakiisha Ciidamada dowladda Kenya ay isugu yeereen odoyaasha deegaanka, iyagoo doonaya iney kala hadlaan kacdoon ka dhashay dad rayid ah oo la sheegay in askarta Kenya ay dishay.

Xiisad u dhexeysa dadka deegaanka Gobolka Gedo iyo ciidamada Kenya ayaa taagneyd maalmihii lasoo dhaafay , wixii ka dembeeyay markii la helay meydka afarta qof oo ay horay ciidamada Kenya uga wateen guryahooda.

Back to top button