Wadani.com: Covering All Somali News. Views and Analysis
Featured Somali News

Dood kulul oo Maalintii labaad dhex martay Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka (Akhriso nuxurka)

Xildhibaannada Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa kulankooda Saddexaad ee Kalfadhiga Afaraad maanta isku dhaafsadya dood kulul oo ku saabsan xaaladda Amniga dalka iyo caasimadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh oo shirka furay ayaa xildhibannada ka codsaday inay doodaku saleeyaan dhaliil wax dhiseysa, kana fogaadaan inay Alshabaab adeegsadaan, kuna taageeraan sida marka laga hadlayo Garsoorka loo aado Alshabaab.

Xildhibaannada qaar ayaa si weyn u dhaliiley xukuumadda iyo xaaladda amniga iyadoo sheegay inuu fashilmay  qorshihii amniga, isla markaana loo baahan yahay inay is casisho xukuumadda, halka xildhibaanno kale ay si weyn difaaceen xukuumadda, ayna soo jeediyeen tallooyin ku saabsan arrimaha amniga dalka.

Xildhibaan Cali Axmed Jangali: Qof dhagarta maleegaya Lama ogaan karo, Sababtoo ah waxaan Tusaale u soo qaadan karaa Qaraxii Hotelka Central, Haddii nala weydiin lahaa waxay tahayna ma qaadan karin go’aanka ah waa argagaxiso gabadhaas, waana la ogaa dhibka ay gaystay.

Xildhibaan Cali Xoosh oo ka mida Baarlamaanka ayaa sheegay in marka Xaqiiqda laga hadlo amniga dalku u baahan yahay in talo wanaagsan laga bixiyo, ayna habooneyn inta warbaahinta la marsiiyo dhaliil aan macne lahayn oo lagu dhiirigelinayo kooxda Al-shabaab.

Dhinaca kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa yiri: Qof walba oo xildhibaan ah waxaa uu doonayaa inuu helo dantiisa gaarka ah, nin walba oo mucaarad ah waxa uu rabaa xil in oo magacaabo…”

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow wuxuu intaas ku daray in Amniga dalku uu fiican yahay, isla markaana aysan jriin xaalad qatar ah, wuxuuna soo jeediyey in khaladaadka jira si gaara looga hadlo.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ku dooday in 860 KM oo horay Al-shabaab looga xoreeyay hadda 60 KM oo ka mida ay dowladu gacanka ku heyso, 800-KM kalena ay Al-shabaab maamulkaan, wuxuuna xukuumadda ku eedeeyay fashil dhinac kasta ah.

Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig ayaa sheegay inay jirtay xilli xidhibannada la leyn jiray oo amnigi faraha ku jirin, dowladuna ka talin jirtay hal jid, Medina iyo degaano kooban oo Muqdisho ka mida.

“Waxaa jirtay xilli xildhibaannada ay si joogta ah u dhimanayeen, wasiiradana ay dhimanayeen… Amniga magaalada Muqdisho hadda waa mid la isku halayn karo, oo meesha aan rabno ayaan ku shiri karnaa”.

Xildhibaan Xiddig ayaa ku baaqay  in shaqooyinka ay qaban karaan dhallinyarada Soomaaliyeed loo ogolaado, lana joojiyo shaqaaleynta dadka ajnabiga ah ee ku soo badanaya dadka.

Waxaa kaloo kulanka ka hadlay Xildhibaan Maxamud C/raxmaan Beene-beene oo sheegay in doodda Xildhibaanada ee Amniga dalka ay si weyn u soo dhoweeyeeny dadka Soomaaliyee, wuxuuna sheegay inuu fashilantay  xukuumada Khayre oo ugu baaqay khudbooyinka uu degmooyinka ka sheego  looga baahan yahay Baarlamaanka.

Related posts

Ra’iisal wasaare Kheyre oo Warbixinta Qorshaha Deyn cafinta ka dhageysatay Wasaaradda Maaliyadda (Daawo)

Wadani Media

Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Somalia oo si kulul u beenisay in Korontadii laga goostay [Akhriso]

Wadani Media

Wasaaradda Warfaafinta: “Dab yar ayaa qabsaday keydka waxaana soo gaaray qasaaro yar” [Sawirro]

Wadani Media

Golaha Wasiirada Somalia oo kulan aan caadi ahayn la yeeshay Golaha Dhaqaalaha Qaranka (Sawirro)

Wadani Media

Madaxweyne Farmaajo oo Amar ku saabsan Qaraxyadii Muqdisho siiyey Taliyeyaasha Ciidamada (Sawirro)

Wadani Media

Shirkadda Kenya Airways oo Duulimaad Maalinle ah ka bilaabeysa Garoonka Aden Adde ee Muqdisho

Wadani Media