Somali News

Doorashada xubnaha Aqalka sare oo markii 3aad dib u dhacday

Maanta oo Khamiis ah taariikhduna ku beegan tahay 14 Janaayo ayay ku egtahay muddadii guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka dadbadan ay sheegeen in la qabanayo doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare bale ay dib u dhacday.

Guddiga lau mursan yahay ee doorashooyinka ayaa 29-kii Bishii December ee sanadkii la soo dhaafay ee 2020 waxaa ay shaaciyeen in tartanka kuraasta Aqalka Sare in la qabto inta u dhaxeysa 7-14 Janaayo, hayeeshee aan weli dhaqan-gelin.
Waa markii labaad uu dib u dhac ku yimaado doorashada kuraasta aqalka sare, iyada oo aysan jirin musharixiin la diiwaangeliyay, sababo la xiriira m uran weli ka taagan doorashada Aqalka Sare.

Guddiga lau mursan yahay ee doorashooyinka ayaa 29-kii Bishii December ee ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay soo saaraan jadwal kale ama qorsho kale, iyaga oo ka war sugaya Madaxda Dowladda.

Back to top button