Articles and OpinionQormooyinka

Doorasho dadban oo xor iyo xalaal ah waa la qaban karaa!.

DOORASHO DADBAN OO XAQ IYO XALAAL WAA LA QABAN KARAA

Doorasho xaq iyo xalaal ah waxa loola jeedaa in doorashado u dhacdo sidii lagu heshiiyey. Laakiin, dareenka ku gadaaman doorashada la filaayo inay dhowaan Soomaaliya ka dhacda wuxuu yahay mid welwel badan muujinayo waxa welwelsan shacabkii, musharaxiintii, guddiyadii maamulayey, muxaafidkii iyo mucaaradkii.

Haddaba welwelkaas waa looga gudbi karaa haddii la helo arrimo dhowr ah:
1) Inay cidda maamuleysa doorashada wixii lagu heshiiyey sidooda u fuliyaan. In wax la isdaba mariyo waxa ka fudud kana sharaf badan inaan wax la isdaba marinin.
2) In guddiyada u gutaan waajibaadkooda si xalaal ah. Ha ogaadaano in hawsha loo xilsaaray ay tahay garsoorid. Waana rukun diini ah.
3) In musharixiinta aynan bixin kharash ka dheeri ah kan diwaangelinta, kaasoo noqonayo laaluush
4) In miisaaniyada doorashada laga bixiyo dhammaan kharashaadka kale, sida farqabsiga codbixiyeyaasha, gunnada guddiyada iyo shaqaqaalaha, faraqabsiga odeyaasha codbixiyeyaasha soo xuliyaan iyo kharashaadka soo daabulidda codbixiyeyaasha
5) Odeyaasha soo xulaya codbixiyeyaasha waa inay meelmariyaan sifooyinka xulushada (criteria of selection) ee codbixiyaha loo dejiyey
6) In odeyaasha iyo guddiyada doorashada laga ilaaliyo faragalin dibadeed ka timaada musharaxiinta iyo maamulka, heerka uu rabo ha ahaadee.
7) Mushaarixiinta waa inay laaluusha bixinin, waayo, waayo-aragnimadii laga dhaxlay doorashadii tan ka horeysay, waxa la ogoaaday inuusan laaluushku kuu horseedi karin guul la hubo, keliya culeys dhaqaale ayuu musharaxa ku kordhinayaa.
8) Waa in korjoogeyaal (observers) madaxbannaan oo Soomaali ah la helaa.

XUSUUSIN: waxaa idin xusuusinayaa in doorashadii tan horeysay (2016) ay ahayd doorashadii ugu badnayd dhinaca wax isdaba marinta, laakiin natiijadeeda hadda ayaan gacanta ku heynaa, kuwii sameeyey wax isdaba marinta iyo kuwii loo sameeyeyba qof ku liibaantay ma jirto. Bal haddaad tahay xildhibaan wax isdaba marin ku helay kursiga, dib jaleeco taariikhda kursigaada, waxa xaqiiqo ah inaad maanta ka baahi iyo welwel badan tahay shalay. Marka maxaa kuu soo kordhay? Runtii dhibaatooyinkii ka dhasheen doorashadaa, ha ugu badnaato is neceeb bulshada dhexdeeda ah, ayaa la ilaa maanta la maareyn la’yahay

GEBAGEBA: Anigu waxaan qabaa in DOORASHO DADBAN OO XAQ IYO XALAAL AH la qaban karo haddii qodobada aan soo xusay iyo kuwa kaloo lagu kabi karoba la helo. Haddii maanta doorasho xaq iyo xalaal ah la qaban kari waayo, ogaada mid HAL QOF IYO COD xalaal ahna mustabilka dalkan la qaban karin.

IDINKALEEY WAAYE.

W/Q: Amb Jamal Barrow.

Back to top button