Somali News

Doorka Amisom ee doorashada Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Amisom ee Soomaaliya ayaa kulan la qaatay taliyayaasha lixda qeybood ee ay ka koobantahay Amisom.

Gen. Diomede Ndegeya, oo ah Taliyaha guud ee Ciidamada AMISOM ayaa kulan ay ka qeybgaleen taliyayaasha Ciidamada kala duwan la qaatay waxaana looga hadlayay dardar gelinta howlgalka Amisom, doorashada Soomaaliya, sugidda amaanka iyo qodobo kale.

Intii uu kulanka socday  Gen. Ndegeya ayaa Ciidamada ku amaanay kaalintooda amaanka Soomaaliya tababarka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo taageerada dowladda Soomaaliya.

Waxa kale oo qodobada laga hadlay ka mid ahaa  sida amaanka dalka Soomaaliya loogu wareeiin karo Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Amisom waxaa Soomaaliya ka jooga Ciidamo ka socda dalalka Itoobiya, Kenya, Uganda, Jabuuti, Burundi Ghana, Zambia, Zimbabwe, Sera Leon, Nigeria iyo kuwo kale.

Back to top button