FeaturedSomali News

Dowladaha Somalia iyo Qatar oo kala saxiixday Heshiisyo Shaqo loogu abuurayo dhalinyarada

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa magaalada NewYork ee dalka Mareykanka ku kala saxiixday heshiisyo oo shaqo loogu abuurayo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo Marwo Sheikha Moza bint Nasser, Guddoomiyaha Golaha Xoghayeyaasha Hey’adda Silatech ayaa shalay oo Isniin ahayd goob joog ka noqday seddex heshiis oo labada dal ay ku kala saxiixdeen Magaalada New York.

Heshiisyadan ayaa la sheegay in ay suuragelinayaan in shaqaaleysiiyo dhalinyarada Soomaaliyeed, iyadoo la abuurayo 75,000 oo fursado shaqo ah gudaha dalka Soomaaliya. Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa Soomaaliya uga qeyb galay shirkii Qaradamada Midoobay ee New York.

Tags
Close
Close