Somali News

Dowladaha Soomaaliya iyo Germany oo kala saxiixday Heshiisyo horumarineed

Dalalka Soomaaliya iyo Germany ayaa kala saxiixday labo heshiis oo xoojinaya iskaashiga istiraatiijiyadeed ee labada dal, si hore loogu sii qaado mashaariicda waxtarka leh ee horumarinta qaranka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Germany ee Soomaaliya Annett Günther ayaa kala saxiixday labada heshiis kadib munaasabadii Maalinta Midowga labada Jarmal oo lagu qabtay Muqdisho.

Labada heshiis ee Soomaaliya iyo Germany kala saxiixdeen ayaa kala ah: Iskaashiga Maaliyadda  oo loo qoondeeyay lacag dhan 15 milyan oo Euro iyo Iskaashiga Farsamo oo sidoo kale isna ku baxaya  € 9.7  milyan.

Jarmalka ayaa ka mida dalalka reer Yurub iyo deeq bixiyeyaashaugu waaweyn ee taageera Soomaaliya.

Daawo Sawirada.

Tags
Close
Close