Somali News

Dowladda Federaalka miyey cafisay C/Rashiid Janan?

Waxa soo baxaya warar sheegaya in dowladda Federaalka ah ay qorsheyneyso Cafinta Wasiirka Amniga Jubaland C/Rashiid C/Nuur Janan.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage iyo Taliye Ku xigeenka NISA Cabdullahi Kulane ayaa Odayaal dhaqan kula hadlay Magaalada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.

“Dowladda Soomaaliya waxay waalidiinta na hor-fadhida u balanqaadaysaa qiimo kasta oo ay ku kacayso in aan Dowlad ahaan diyaar u nahay soo celinta, cafinta iyo soodhaweynta saraakiisha iyo askarta Soomaaliyeed ee ku sugan Banyoolay Kenya” ayuu yiri odawaa.

Hadalka Taliyaha kuma cadda Janan waxaase ay u muuqataa in Saraakiisha iyo Ciidanka taabacsan Janan ee jooga Baanyooley ay Diwladdu cafisay.

Janan ayaa gacanta Dowladda Federaalka ah ka baxsaday 28kii January 2019 kaddib afar bilood oo uu ku xirnaa Muqdisho.

Back to top button