Somali News

Dowladda Federaalka oo diyaarisay liiska Xildhibaannada Hirshabeelle

Wararka laga gelayo Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Dowladda Soomaaliya la wareegtay dhismaha Maamulka Hirshabeelle.

Mas’uuliyiin ku sugan Jowhar ayaa sheegaya in Taliya Nabad Sugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin uu gacanta Ku liiska Xildhibaannada.

Saraakiil Ku dhow Fahad ayaa sheegay in liiska Xildhibaannada saxda ah uu noqonayo kan Fahad diyaariyay.

Dhinaca kale Odayaasha iyo Ciqaasha dhaqanka Hirshabeelle ee dhawaan gaarayay Jowhar ayaa la sheegayaa in aysn door muuqda Ku lahayn dhismaha Baarlamaanka 2aad ee Hirshabeelle.

Buuq siyaasadeed ayaa ka taagan dhismaha Maamulkaas iyada oo sida sanadkii 2016kii oo kale ay dowladdu faragelin Ku heyso dhismahiisa.

Back to top button