Somali News

Dowladda Ingiriiska oo jartay miisaaniyaddii ay ku bixineysay Caafimaadka Soomaaliya

Hay’adaha DHinaca Caafimaadka ka taageera Soomaaliya ayaa joojinaya dhamaan adeegyada Caafimaad ee ay taageerto Dowladda Ingiriiska ee ka socday Soomaaliya.

Arrintan ayaa ka dhalatay kaddib markii ay Hay’adaha Caafimaadka ku wargelisay Dowladda UK in 40% ay dhimeyso taageerada ay ku bixin jirtay goobaha Caafimaadka ee Soomaaliya.

Haajir Macalin oo ah Agaasimaha Hay’adda AAH ayaa sheegtay in Dowladda Ingiriiska ay u sheegtay in ay u diyaar garoobaan miisaaniyad dhimid ka dhalatay hoos u dhaca dhaqaalaha UK ee 0.7%.

Baarlamaanka UK ayaa cod u qaadaya tallaabada ay dowladda UK Hay’adaha samafalka ee dhinaca Caafimaadka uga joojineyso dhaqaalaha taas oo saameyn taban ku yeelaneysa dad badan oo Soomaaliyeed.

Dowladda UK ayaa horay u sheegtay in taageeradeeda Caafimaadka Soomaaliya ay bishiiba ka faa’ideysanayeen 2000 oo Haween iyo Carruur ah oo helayay caafimaad bilaash ah ama jaban.

UK waa waddanka 2aad ee dhaqaalah ugu badan ku bixinayay caafimnaadka Soomaaliya waxaana ay bixisay  £147Milyan intii u dhaxeysay  2019-2020.

Back to top button