Somali News

Dowladda Itoobiya oo ka hadashay wararka sheegaya in Ciidamo Soomaali ah ka qeybgaleen dagaalkii Tigreey

Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay wararka warbaahinta Caalamka iyo tan Soomaaliyaba qorayeen oo la xiirira in Dagaalkii Gobolka Tigree ay ka qeybgaleen Ciidamo ka socday Soomaaliya iyo Eritrea.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha Dibadda Waddanka Itoobiya Mr Dina Mufti, ayaa sheegashooyinkaas ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad lahayn,waxaana uu meesha ka saaray in haba yaraatee ay askar shisheeye ka dagaallameen Itoobiya.

“Waxa aanu sida oo kale arkayna warar la mid ah kuwaas (Ciidamada Ereteriya) oo sheegaya in ciidamo Soomaali ahi dagaalka ka qayb galeen, labadaa sheegasho ba waa been aan sal iyo raad toona lahayn,” ayuu yidhi Afhayeenku.

Afhayeenka u hadlay Itoobiya waxa uu ku dooday in ay arrintaas faafinayaan dad doonaya in ay hawlgalka ka dhigaan mid khuseeyo gobolka oo dhan. waxa uu intaasi raaciyay in aanay ciidamada Itoobiya u baahnayn gacan dalal kale..

 

Back to top button